War goor dhow nagaa soogaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan oo si weyn looga maqlay inta badan magaalada lagu uu ka dhacay Afaafka hore Dekadda magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegaya in uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Albaabka hore ee Dekada, xilli gaadiidka Dekada Badeecadaha ka soo qaada ay ku xaroonayeen Dekada.
Qaraxa kabib waxaa Cirka isku shareeray Qiic iyo Uuro, waxaana la maqlayay ayaa rasaas ay ridayeen Ciidamada Amaanka Dekeda.
Goob joogayaal ku sugnaa nawaaxiga Dekada ayaa u sheegay Warbaahinta in ay arkayeen dad waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.
Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa oo goor dhaweyd ka dhacay Afaafka hore ee Dekada Muqdisho.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga danbe
PUNTLAND POST