Doorasho saaka ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabell ayaa loogu doortay xubin Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo horay tartanka Doorashada looga reebay.
Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa saaka qabtay doorasho hab qar soodi ah oo deg deg aheyd ku dhacday, wuxuuna Wasiir Nuux la tartamaysay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, iyadoo Wasiir Nuux uu ku kuguulaystay 45 cod.
Guddiga heer Federaalka ee doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa war qoraala oo ay soo saareen Arbacadii waxay tartanka Kursiga Beesha Jidle kaga reebeen labo musharax oo kala ah Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Wasiirkii dhalinyarada iyo Cayaaraha iyo Musharaxa kale ee Axmed Sheekh Nuur Ciro, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay lug kulahaayeen shaqaaqadii ka dhacday hoolka doorashada ee Jowhar 18-kii bishii November.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan arintaan, maadaama Wasiirkan horay looga joojiyay Doorashada Jowhar.
PUNTLAND POST