Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goordhaweyd kamid noqday Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya Gobolada Woqooyi ee Somali-land kadib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Doorashada oo ka dhacday Xarunta gaadiidka Booliska Degmada c/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu helay codod gaaraya 51-cod oo ahaa cododkii ergadii wax dooranaysay.
Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka guuleystay musharax kale oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cumar oo aan helin wax cod ah sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdule (Cumar Dhagey) oo goobta doorashada ku sugan.
PUNTLAND POST