
Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa diiday oo ka noqday natiijada doorashadii uu uga guulaystay Madaxweyna cusub ee Adama Barrow .
Telefishinka dowladda Gambia ayuu xalay Mr Yahya Jammeh u sheegay in uusan xilka ka dagaynin, isagoo intaas raacshay in dadka reer Gambia ay u diyaar garoobaan doorasho cusb.
Yahya Jammeh ayaa horay u aqbalay natiijada codadkii soo baxay shaygayna in uu aaminsan yahay qadarta Alle maadaama uu yahay Muslim, isla markaana ugu Alle ugu tala galay in waqtigaygii intaas ku e kaado.
Mr Yahya Jammeh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay oo aqbala in laga guulaystay, hadana dib uga noqda.
Dhanka kale Mareykanka ayaa durbaba cambaareeyay tallaabada Madaxweynaha laga guuleystay ee Yahya Jammeh uu ku diiday natiijada doorashada
Yahya Jammeh ayaa dalkaas afgambi ku qabsaday sanadkii 1994, isagoo hoggaaminayay muddo 22-sano ah.
PUNTLAND POST