
Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareyka ah oo dhawaan loo doortay Aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay la kulantay Islaam naceyb uu kula kacay wade Tagsi oo ay saarnayd, kaas oo uwaday Hotel ay ka daganayd Magaalada caasimadda ah ee Washinton D.C.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in uu tagsiiluhu ku sheegay in ay tahay ISIS, uuna ku dhaartay in uu xijaabka ka qaadayo, sidaas waxay ku qortay boga ay ku leedahay Facebook-ga.
Ilhaan Cumar ayaa Aqalka Cad kaga qeyb gashay kulan ku saabsanaa inay wax ka barato sida ay gobollada u dhaqan galin karaan siyaasadaha qaar, taas oo ay sheegtay inay xiiso gaar ah u qabtay.
Ilhaan Cumar ayaa 22 sano ka hor ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, waxayna dalka Mareykan soo gashay iyadoo 12 sano jir ah, waana haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah oo ka mid noqota Aqalka Sanet-ka dalka Mareykanka.
Qoraalkii ay Facebook-ga ku qortay

PUNTLAND POST