Madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa amaan usoo jeediyay madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, wuxuuna sheegay in ay sahlanaan doonto in lala macaamilo, sidaas waxaa ku qoray Wargeyska Al-Khaleej ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta oo waraystay Al-Bashiir.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay in Trump uu diiradda saaro danaha muwaadiniinta Maraykanka, halka madaxda kale ay saarijireen dimuqraadiyada, xuquuq aadane iyo isla xisaabtan.
Sidoo kale Al-Bashiir wuxuu sheegay in uu ku adkaysanayo in la macaamilida Trump ay aad uga sahlanaan doonto kuwa kale maadaama uu yahay “nin meel loogu soo hagaago leh oo ganacsade ah kana fiirsada danaha dadka uu la macaamilo.”
Madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa xilka afgambi kula wareegay sanadkii 1989-kii waxaana lagu dhaliila in xukuumadiisa in ay dadka caburinaysay ilaa iyo wakhtaagaas.
Cumar Xasan Al-Bashiir Waxaa raadinaysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, oo u haysata in uu xasuuq ka gaystay gobolka Daarfur.
PUNTLAND POST