Ururk gohala xidhiidhka Muslimiinta Mareykanka oo magacooda loo soo gaabiyo CAIR ayaa sheegay in waraaqo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka.
Waraaqahaas oo ay ku qornaayeen Muslimiintu in ay yihiin dad Maan gaaban oo wasakh ah lana xasuuqidoono, sidoo kalena lagu taageeray madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Gohala xidhiidhka Muslimiinta Mareykanka ayaa Booliska Gobolka California ka codsatay in ay baaraan wax ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah, sidoo kalana la ilaaliyo masaajiyada Gobolkaasi ku yaalla .
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii uu ilolaha Doorashada ku jiray sheegay in uu mamnuucinoo Muslimiintu in ay soo galaan Mareykanka, isagoo ku edeeyay in ay taageeraan colaada loo qabo dadka Mareykanka.
Dadka Muslimiinta ah ee nool Mareykanka oo ay ka mid yihiin Soomaalidu ayaa dhowr jeer oo hore la kulmay hanjabaadyo.
PUNTLAND POST