Madaxweynaha Galmudug iyo Michael Keating oo kulan ku Qaatay Cadaado

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating iyo wafdi uu hoggaamiyano ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Michael Keating iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, guddoonka baarlamaanka iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug

Madaxda Galmudug iyo Michael Keating ayaa  kulan gaar ah ku qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug, kaas oo ay uga kawa hadleen xaaladaha Doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya iyo halka ay marayaan.

Qaar ka mid ah Kuraasta ka imaanaysa Deeganada Galmudug waxaa ka taagan cabashooyin ku aadan qaabka Beelahu ay u qabsanayaan Ergooyinka Doorashada galeysa.

Guddiga Doorashada ayaa horay u sheegay in Kuraasta qaar Doorashadooda dib loogu celinayo maadaama khaladaad ay ka jireen.
c1

c2

c3

c4

c5

c6

c7

PUNTLAND POST