Michael Keating oo Sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya dib u Dhac ku Yimid

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating  ayaa sheegay inaysan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya aysan ku dhici karin xiligii horey loo qorsheeyay oo ku aadan 30 ka bishan November.

Danjire Keating ayaa sheegay in sida ay hada wax u socdaan aysan suurto gal aheyn in ay dhacdo doorashada Madxaweynaha, maadaama ay wali socoto Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose, balse qiyaas ahaan ay dhici karto 15-ka bisha soo socoto ee December.

Doorashada Soomaaliya ayaa  markii Afaar la shaaciyay in ay dib u dhacday, iyadoo 23-kii November ay iyana dib u dhacday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST