Koox Taabacsan Daacish oo weli Maamulaysa Qandala

Kooxda Qandala haysata
Kooxda Qandala haysata

Dagaallamayaal hubeysan ayaa 26-kii bishii hore ee Oktoobar gudaha u galay Degmada Qandala ee Gobolka Bari, kuwaaso sheegtay inay ka tirsan-yihiin ururka Daacish oo la baxay Dawlada Islaamka awood badana ku leh Bariga dhexe.

Kooxdan taabacsan Daacish waxaa hoggaamiya wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo sanand ka hor ku dhowaaqay inuu ka baxay ururka al-Shabaab uuna ku biiray Daacish.

Dadkii Magaalada Qandala oo weli banaanada daadsan

Dadkii ka qaxay Qandala
Dadkii ka qaxay Qandala

Dadkii Magaalada Qandala ayaa sidii ay u badnaayeen noqday barakacayaal ku dul nool degaano kale oo magaalada u dhow sida degaanka buruc oo ay usoo qaxeen boqolaal kamida dadkii Magaaladaas si ay uga badbaadaan wax yeelo kasoo gaadha kooxda magaaladooda la wareegtay.

Dhamaan shaqooyinkii kaluumaysiga oo ay degmadani caan ku ahayd ayaa istaagay, waxayna taasi sii xumaysay xaaladaha nololeed ee dadka degaanka Qandala oo si aada ugu tiirsanaa kaluunka ay badda kala soo baxaan.

Dhinaca kale waxaa gabi ahaanba istaagay shaqooyinkii Dawlada ee ka socday Degmada Qandala sida canshuuraha oo ay Dawlada uga soo xaroonjireen dhaqaale wanaagsan.

Dawlada puntland oo weli dusha ka eeganaysa xaalada Qandala

Ciidamada Badda Puntland
Ciidamada Badda Puntland

Dawlada Puntland ayaa weli haba yaraatee wax talaabo ah u qaadin Degmada taariikhiga ah ee Qandala, waxayna dadka reer Puntland ka wel-welsan yihiin in kooxdan bisha Maamulaysa degmadaas ay sii xoogaystaan marba marka ka dambaysa kadibna degaano hor leh ku faafaan.

Degmada Qandala ayaa xurunta Gobolka Bari ee Boosaaso u jirta  77 KM dhanka badan u jirta 48.4 Miles.

PUNTLAND POST