Trump oo Tarxiilaya dadka soo galootiga ah

Madaxweyna cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in soo galooti tiradoodu u dhexeyso labo ilaa seddex milyan oo sharci daro ku jooga dalka Maraykanka uu tarxiilo doono marka uu xafiiska la wareego.

Donald Trump oo wareysi siinayay Telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay sida  kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah soo galootiga.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo xuduuda uu dalkiisa la wadaago Mexico uu noqon doono silig.

Dhanka kale Donald Trump ayaa sheegay in mudada uu xilka madaxweynaha hayo uusan qaadan doonin wax mushaar ah,  mushaaarka Madaxweynaha Mareykanka ayaa gaaraya $400.000.

PUNTLAND POST