Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ku Guuldareystay ka mid noqoshada Barlamaanka Aqalka Hoose

Doorashada Baarlamaanka Aqalka hoose oo muddooyinkii dambe ka socotay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa maanta tartankii ugu adkaa uu ku dhexmaray Wasiirka Maaliyada ee dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Maxamuud Macalin Yaxye.

Doorashada oo labo wareeg dhacday ayaa Wasiir Fargeeti looga guulaystay hal cod oo kaliya, isagoo helay 25 cod, halka Maxamuud Macalin Yaxye  uu helay 26 cod.

Wasiir Fargeeti ayaa si weyn loogu saadaalinayey inuu kursigan ku guuleysan doono hase yeeshee ma dhic.

Doorashadan looga guuleystay Wasiir Fargeeti ayaa aheyd tii ugu adkeyd Aqalka hoose oo ka dhacda Maamulada dalka.

PUNTLAND POST