Banaanbaxyo lagu diidan yahay Trump oo ka Dhacay Mareykanka

Waxaa dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla dalka Mareykanka ka dhacay banaanbaxyo lagu diidan yahay Madaxweynaha cusub ee Donald Trump.

Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha weyn Trump Tower ee magaalada New York, kuwaas oo diidan siyaasadaha Donald Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.

Kumanaan qof oo kale  oo arday u badan ayaa iyaguna sugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon iyaga oo ku dhawaaqayay “ma aha madaxweynahayga”, kalmadaas oo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka, waxayna mudo yar xireen wadooyin waaweyn oo gawaaridu marto.

Dhanka kale Donald Trump ayaa lagu wadaa galinka dambe ee maanta in uu la kulmo Madaxweyne Obama.

t1

t2

t3

t4

t5

t6

t7

t8

t9

t10

t11

t13

t14

t15

t16

t17

t18

PUNTLAND POST