Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo tababar u soo xirtay Madax qaybeedyo Cusub

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa maanta 3 November 2016 tababar muddo lix cisho ah soconayey u soo xirtay Madax qaybeedyada Qiimaynta iyo daba-galka (Montoring and Evaluation) iyo Madax qaybeedyada Qorshaynta siyaasadda ee Wasaaradaha iyo hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca Tayaynta iyo shaqo qorista dawladda Puntland ee uu Bangiga adduunku maal-gelinayo.

Tababarkaan ayaa ahaa mid lagu barayey shaqaalahaani cusub nidaamka guud ee ay u shaqayso  dawladda Puntland iyo isbeddelka la doonayo in lagu sameeyo shaqaalaha dawladda, sidoo kale waxaa shaqaalaha la baray waaxyaha ay ka kooban tahay hay’ad walba oo ka mid ah hay’adaha dawladda.

Axmed Diiriye oo ah kusimaha Madaxa xiriirka Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in shaqaalahan cusub looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo isbeddel ku sameeya xarumaha ay tegi doonaan balse aanay noqon kuwo iyaga isbeddel lagu sameeyo.

Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Marwo Barni iyo Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Madax qaybeedka Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah oo goobta hadal ka jeediyey ayaa kasheekeeyey dedaalkii loo soo maray qaabkii loo dooran lahaa shaqaale aqoontooda lagu soo xushay kuwaas oo ka hawl-gala xarumaha dalwadda isla markaana ay maanta ku faraxsan yihiin in ay hortooda fadhiyaan shaqaale karti iyo aqoon leh oo lagu aamini karto xogta dawladda.

Axmed Cabdalla Tigaana Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha qaybta dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa geestiisa kula dardaarmay Madax qaybeedyadaani cusub in noqdaan kuwo ilaaliya sirta iyo xogta dawladda isla markaana xilweyn iska saara masuuliyadda weyn ee loo igmaday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mudane Xuseen Cabdi Jaamac ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in dhallinyaro aqoontooda lagu soo xushay oo niyad wanaagsan haya ay kusoo biiraan xarumaha dawladda, isagoona kula dardaarmay in ka duwanaadaan shaqaalihii hore u joogey xarumaha dawladda.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha qaybteeda shaqada iyo shaqaalaha ayaa shaqaalahaani cusub u soo jeediyey in ay ahaadaan kuwo marwalba eebbe ka cabsada oo aanay cibaadadooda saamayn shaqooyinka ay heleen, isla markaana ay ahaadaan kuwo dhexgala oo niyada wanaag iyo walaalnimo u muujiya shaqaalaha kale ee xarumaha ay tegi doonaan uga sii horreeyey isla markaana iyagu saamayn ku yeesha shaqaalihii hore uga shaqayn jirey xarumaha dawladda.

Geba-gebadii tababarka ayaa shahaadooyin la guddoonsiiyey dhammaan Madax qaybeedyadii kasoo qayb galay tababarka, shahaadooyinkaani ayaa ahaa kuwo muujiyana ay uu Madax qaybeed walba dhammayst tababarkaani Induction Training-ka

—DHAMMAAD—

20161103_093106 20161103_093119 20161103_093209 20161103_093327 20161103_093401 20161103_093422 20161103_093430 20161103_093444 20161103_093505 20161103_093557 20161103_093644 20161103_093833 20161103_093914 20161103_094740 20161103_095015 20161103_095911 20161103_100345 20161103_100413 20161103_100506 20161103_100525 20161103_100619 20161103_100748 20161103_100759 20161103_100820 20161103_100845 20161103_100907 20161103_100932 20161103_101057 20161103_101119