FBI-da Mareykanka oo Baaritaan cusub ku haysa Hillary Clinton

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa bilowday baaritaan cusub, kadib markii ay heleen xog cusub oo la xiriirta Emailka musharaxa Madaxweynaha dalka Mareykanka ee Hillary Clinton.

Agaasimaha FBI-da, James Comey ayaa warqad u diray xubnaha Congress-ka si uu u la socodsiiyo xogtan cusub, wax faahfaahinana ma bixin waxase keliya ee uu ku sheegay in emaillo cusb la helay kuwaas oo xidhiidh la yeelan kara baadhitaanka.

Waxaa kaloo la sheegayaa in emailladan cusub si lama filaan ah ay uga soo baxeen baadhitaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton.

Xogtan ayaa ku soo aadaysa xili doorashada dalka Mareykanka ay ka harsan tahay 10 maalmood oo kaliya.

PUNTLAND POST