Maamulka Galmudug ayaa jawaab kulul ka bixiyay war qoraala oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo lagu dalbaday in Liiska Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya laga saaro Cabdi Qeybdiid.
Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo Warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay inay muhiim tahay inla tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyed Qaramada Midoobeyna aysan xaq u laheyn inay dalbadaan Liis ka saarista muwaadin ay doorteen shacabka Soomaaliyeed.
“Anaga runtii wax naga quseeya ma jiraan arrintaas, qof muwaadin Soomaaliyeed ee ay doorteen Baarlamaanka, waliba cod aqlabiyad ah helay ha laga saaro inay dhahaan ma ahan, markii hore nalama dhihin qof hebel halaga reebo”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Qaramada Midoobay ayaa horay u dalbatay in qaar kamid xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya laga reebo xubno uu ka mid yahay Cabdi Qeybdiid.
PUNTLAND POST