Tababar loo qabtay shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland

Waxaa maanta tababar la xiriira habka loo ilaaliyo loona habeeyo kaydka ama Arkiifiyada dawladda Puntland loo qabtay  shaqaalaha ka hawl-gala dhammaan xarumaha Madaxtooyada dawladda Puntland ee magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardh iyo Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa ugu horrayn hadal ka jeediyey jeediyey Axmed Diiriye oo ah kusimaha Madaxa xiriirka iyo isku dubbaridka Mashruuca Capacity Injection Program CIP, waxana uu sheegay in aqoonta lagu barto tababarrada ay ka qaalisan tahay aqoonta kale ee lagu barto Iskuullada iyo Jaamacadaha isagoona sabab uga dhigay in xarumahaasi wax barasho lagu barto oo keliya aragtiyo ama concepts, balse tababarka lagu barto aqoontii oo ficil wadata.

Taa beddelkeedana looga baahan yahay dhammaan shaqaalaha nasiibka u yeeshay kasoo qayb galka barnaamijkan in ay ka faaiidaystaan oo waayo aragnimada uga korortana ay ku dabbakhaan shaqooyinka ay ka qabtaan xafiisyadooda.

Yuusuf Cabdi Soome oo ah Agaasimaha Waaxda Arkiifiyada Madaxtooyada ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu la xiriiro sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha Madaxtooyada, kuwaas oo baahi weyn u qabey dhinaca ilaalinta iyo habaynta faylasha ama xogta xafiisyada Madaxtooyada ee ka hawlgalaan.

Cabdiqani Dhaashane oo ah Agaasimaha waaxda Mashaariicda Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa xusay in mashruucan ballaaran ee CIP uu yahay mid ay dawladdu dedaal dheer u gashay sidii loo tayayn lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda, taasina ay keentay in geed gaaban iyo mid dheerba loo fuulo sidii loo kobcin lahaa garaadka iyo aqoonta shaqaalaha dawladda.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf o tababarka furay ayaa tilmaamay in tababarkani uu wax weyn ka beddeli doono hannaankii hore oo maarayn jirey xogta Madaxtooyada, isla markaana uu ka dhigi doono Arkiifiyada Madaxtooyada mid u shaqaysa hab casri ah.

Agaasimuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay tahay Markii ugu horraysey taariikhda Puntland ee loo qabto tababar noocan oo kale ah shaqaalaha Madaxtooyada isla markaana la suubiyo hannaanka casriga ah ee loo maaraynayo xogta dawladda, taas oo ka mid ah ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda, sidoo kale agaasimuhu waxa uu xusay inay tahay markii ugu horraysey ee la sameeyo siyaasadda Arkiifiyada dawladda.

Tababarka ayaa waxaa bixinaysey Haweeneyda lagu magcaabo Mrs Rose  oo ah kabiir muddo badan ka shaqaynayey hannaanka Arkiyada isla markaana haysata in kabadan 30 sanno oo ah khibrad la xidhiidha hannaanka maaraynta Arkiifyadada.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo afar cisho ah waxaana laga filayaa ka qayb galayaasha marka ay ku laabtaan xafiisyadooda in ay wax badan ka beddeli doonaan wejiyada Arkiifiyada dhammaan xarumaha Madaxtooyad dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—
dsc_0708 dsc_0711 dsc_0713 dsc_0715 dsc_0718 dsc_0722 dsc_0724 dsc_0727 dsc_0730 dsc_0731 dsc_0732 dsc_0735 dsc_0747 dsc_0754 dsc_0759 dsc_0770 dsc_0781 dsc_0786 dsc_0797 dsc_0813 dsc_0816