Haweeneydii 2-aad oo u soo baxday kuraasta Aqalka sare Soomaaliya

Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku guuleysatay kursiga 6-aad ee xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matalaya maamulka Galmudug .

Jawaahir Axmed Cilmi ayaa la tartamaysay masuuliyiinta kala ah Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed .

Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ahayd Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilkoodu dhamaaday, hadana waxay ka mid noqonaysaa xubnaha Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya

Doorashada iyo kala saarida masuuliyiinta kale ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare Soomaaliya u matalaya maamul  Galmudug ayaa si habsamileh u socota.

Maamulka Galmudug ayaa buuxiyay qoondada haweenka ee ahayd 30%.

PUNTLAND POST