Farance oo Guul ka gaadhay Holland Isreeb-reebka Koobka Aduunka

Xulka qaranka France ayaa guul muhiim ah kala soo laabtayĀ Amsterdam kadib markii ay 1:0 ku soo garaaceen dhigooda Holland ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka koobka Aduunka 2018.

Daqiiqadii 30 aad ee qaytii hore ee ciyaarta ayaa gool qurux badan oo uu xiddiga dunida ugu qaalisan ee Paul Pogba ka dhaliyay meel 30 yard u jirta goolka Holland, ayay France ku soo gaadhay guul aad muhiim ugu ah isreeb reebka koobka aduunka wuxuuna France hogaanka u qabtay Group A.

Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb reebka Koobka Aduunka ee la ciyaaray

Andorra 1-2 Switzerland

Belarus 1-1 Luxembourg

Bosnia-Herzegovina 2-0 Cyprus

Estonia 0-2 Greece

Faroe Islands 0-6 Portugal

Gibraltar 0-6 Belgium

Latvia 0-2 Hungary

Holland 0-1 France

Sweden 3-0 Bulgaria

PUNTLAND POST