Musharaxiinta Kaine iyo Pence oo dood kulul dhexmartay

Labada musharax ee u taagan jagada madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo kala ahTim Kaine oo ka socda xisbiga dimoqraadiga iyo Mike Pence oo xisbiga jamhuuriga ka socda ayaa xalay isku wajahay dood kulul oo la xiriirta dhaqaalaha, soogalootiga iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Dooda oo ka dhacday jaamacada Longwood University ee gobolka Virginia duleedka magaaladan Washington ayaa aheyd dooda kaliyah ee loo qorsheeyey in ay yeeshaan musharaxiinta madaxweyne ku xigeenada ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada bisha soo socota ee November.

Tim Kaine ayaa ku eedeeyay  howlaha ganacsi ee Trump uu ku leeyahay dalka Ruushka, isagoo ku eedeeyay in aysan u kala socneyn farqiga u dhexeeyo in wax la hoggaamiyo iyo kelitalinimo.

Mike Pence ayaa isna dhankiisa ku eedeeyay Hillary Clinton inay kordhin doonto canshuuraha laga qaado dadka maalqabeenka ah.

PUNTLAND POST