Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa goordhaw lasoo gaba gabeeyay shirka madasha wadatashiga Hogaamiyayaasha Soomaalida kaas oo mudo dhowr maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaasha madasha ayaa isku mari waayeen qodobo dhowr ah  oo ay isku hayeen , waxaana arinta muranka xoogan ka taagnaa ay ahayd dhismaha aqalka sare.
Hogaamiyaasha ayaa markii danbe ku heshiiyay in Aqalka sare loo daayo xubnihii markii hore lagu heshiiyay ee ahaa 54-xubnood lagana reebo xubno dheeraad ah oo dib looga daray shirarkii Baydhabo iyo Muqdisho ka dhacay

Goor dhow la soco warmurtiyeedka shirka Madasha wadatashiga Qaran.

c2

c5

c6

c7

c8