Xubnaha Maxkamadda Sarre oo lagu dhaarshay Madaxtooyadda Puntland

Waxaa maanat xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland  ahna ku simaha Madaxweyna Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey lagu dhaariyey xubnaha Maxkamadda Sare ee dawladda Puntland oo uu dhowaan Wareegto Maxweyne ku magcaabay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali isla markaana ay ansixiyeen labada gole ee dawladdu.

kusimaha Madaxweynaha ayaa dhaarinta ka dib kula dardaamay xubnaha maxkamadda sare ee Puntland in ay ka dhabeeyaan kitaabka ay gacanta saareen isla markaana ay u gutaan xilkaasi loo igmaday si daacad ah.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa tilmaamay in garsoorku uu yahay masuuliyad weyn oo u baahan in si taxadar leh loo guto isla markaana loo caddaalad sameeyo ummadda, isagoona sheegay in xubnahaan loo magcaabay Maxkamadda Sare ay yihiin kuwo xilkaasi ku habboon oo leh aqoontii iyo waayo aragnimadii loo baahnaa.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey in uu xubnahaan maanta la dhaariyey u fududeeyo xilkaasi culus ee ay dhabarka u riteen, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday guud ahaan shacabka reer Puntland in ay si buuxda ula shaqayeen Maxkamadda sare ee Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_3619 IMG_3621 IMG_3623 IMG_3626 IMG_3627 IMG_3633 IMG_3635 IMG_3639 IMG_3640 IMG_3650