Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo Dhaweeyay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Dowladdaa Federaalka ah Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, oo xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka India.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey  Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiintii kale ee soo dhaweesey Muqdisho.

Soo dhaweynta kadib ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo la filayo in uu kaga qeyb ka noqdo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee u fadhiya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugnaa dhowr isbuuc isbitaal kuyaala dalka Hindiya halkaas oo lagula sameeyay Qaliin dhinaca wadnaha, waxaana xaalada Madaxweynaha hada tahay mid wanaagsan.

PUNTLAND POST