
Waxa shrikii Mbagathi intii uu socday aan marna laga wada hadlin waxay arrinta ugu muhiimsanayd…. Waxaa laga wada hadlay in colaadaha la joojiyo, laakiin marna shirka laguma soo qaadin in Qabqablayaasha hubaysan nin kasta oo ka mid ah oo shirka joogo dowladda dhisantaa uu hubkiisa iyo ciidankiisa ku wareejinayo, shirka oo dhan is-qab-qabsigiisana intaas buu salka ku hayay oo waxa kale oo dhan waxay ahaayeen wax ay ka heshiin karaan dadkii shirka fadhiyay, iyadana malaha in la soo hadal qaado waxay u muuqatay mid khatar iyo burbur shirka ku keeni karta waayo haddii la soo hadal qaadi lahaa aad baa look ala shakin lahaa waxaana suur gal noqon kari lahayd inaan shirkuba qabsoomin oo kuwo badan ay isaga baxaan, hasa yeeshee ugu dambayntiina markii dowlad la wada dhistay arrintaas sababteedaa dowladdii ku kala tagtay.
Qabqablayaashii Muqdisho oo intii ay dagaallada dalka lagu burburiyay ay ku jireen aan marna arag shacab u soo jeeda inay ka fekeraan qaranka dantiisa ama dhaqan ahaan ka danqanaya burburka ku dhacay qarankoodii ayaan marna ka fekerin nidaam dowladeed iyo dhismaha qarankii Soomaaliyeed…..Qabqablayaashii, Magacii xil-dhibaanimmadii, waziirnimmadii iyo dowladdii ay hoggaaminayeen waxay ku bedesheen Is-Bahaysiga Soo Celint Ammaanka Iyo La Dagaalanka Argagixisada!….dowladdii ay ka midka ahayeen lama tashan, Af-Hayeenkii SHariif Xasan SHiikh, xataa ma dareemin inay khalad tahay arrintaas….
Bishii February 18, 2006dii Qabqablayaashii waziirrada ahaa ee ku sugnaa magaallada Muqdisho waxay ku dhawaaqeen ururka Is-Bahaysiga soo celinta ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada, tallaabadaas ay Qabqablayaasha ku go’aansadeen magac ay la baxeen waxay soo dedejisay inay xirmaan wax kasta oo waan-waan iyo wada hadal ahaa oo laga yaabi lahaa inay dhex maraan wadaaddada (Midowgii Maxkamadaha) iyo dowladda, waayo mar haddii uu magacu yahay Argagixiso wuxuu noqday magac ay dowladaha reer galbeedka ah si aan qarsoodi ahayn ugu adeegsadaan wadaaddada Muslimka ah.
Arrintan si aan madmadow ku jirin, nin kasta wuxuu u fahmay in Qabqablayaashii Muqdisho ay ku baaqeen dagaal ka dhan ah ururkii cusbaa ee maalmahaas ay ku midoobeen ururadii wadaaddada Soomaaliyeed ee la baxay Midowgii Maxkamadaha, sida laga war qabana wixii markaas ka horeeyay magaallada Muqdisho Qabqablayaasha jooga laguma aqoon inay la dagaalamaan ururada diiniga ah, hasa yeeshee waxaa jirtay in Max’ed Qan-Yare Afrax markii uu murashaxa ahaa waxyaabihii uu ku ololeeyay inay ka mid ahayd in magaallada Muqdisho ay Argagixiso joogto ” Hee Yaa I dhihi kara Muqdisho Argagixiso ma joogto?!…waa joogtaa waliba meelo badan ay ka joogtaa” ayuu yiri Qan-Yare asagoo barlamanka u jeedinay barnaamijkiisa siyaasadeed ee doonayo haddii la doorto inuu dalka ku hoggamiyo, bishii September 2004.
Waziir dowladeed oo dowlad kale mushaar ka qaadanaya, oo waliba uusan shrci qabanayn…..waa wax la fahmi karo in madax-weynuhu ka aamuso, waa wax la fahmi karo in ra’iisal wazaaruhu ka aamuso, way iska caddahay sababta ay nimankaas u aamuseen, oo mar haddii ay maqleen dowladda Maraykanka baa bay mushaar ka qaadanayeen oo u shaqayniyeen waan garan karnaa gol jileeca jiray iyo cabsida inta ay la egtahay!….wax kastaba ha jiraanee, si kastaba arrimuhu ha ahaadaan, waxaa arrin aan la qaadan karain ahayd aamusnaanta barlamanka uu arrintaas ka aamusay, SHariif Xasan SHiikh Adan, asagu awalba waxay raggaas yihiin buu la haa oo sharcigii iyo hawshiisii Af-Hayeenimmada waa uu ka tegay xataa haddii uu ogyahay inay arrintu meel ka dhac ku ahayd dowladnimmada Soomaaliya inuusan ka hadlayn waa la filayay, laakiin aawaye xil-dhibaannadii kale?!…..
Waxyaabahan oo dhan waxay sameeyeen nidaamkii siyaasadeed ee dowladu lahayd, February 26,2006, waxaa Baydhabo ka furmay kulan uu barlamanka isugu yimid, oo labadii dhinac ee dowladda ay ka soo qayb galeen, kulankaas kama aysan soo qayb gelin xubnihii aasaasay Is-Bahaysiga Soo Celinta Ammaanka iyo La-Dagaallanka Argagixisada, waxaana cibaaro kale ahayd oo cay ku ahayd ummadda Soomaaliyeed ama guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in waziirradii dowladaha shisheeye mushaarka ka qaadanayay aysan wax jawaab ah ka bixin, laakiin arrintaan waxaa runtii la oran karaa waxay si weyn uga turjumaysay dulucda shirkii ay waziirradaan Soomaaliyeed ee mushaarka ka qaadanayay dowladda la galeen safaaraddii Maraykanka ee magaallada Nairobi…..
Waxaa dowladdii u muuqday in arrimuhu sii adkaanayaan, dowladihii ay ka rajaynaysay inay gacan siiyaan ayaa iyagana wali sidoodii u aamusnaa, waxaana magaallada Muqdisho ka bilowday dagaalo u dhexeeyay Is-Bahysigii Soo Celintii Amniga Iyo La Dagaalanak Argagixisada iyoo Midowgii Maxammadaha, waxaana isla markiiba soo baxday in laga adkaaday Qabqablayaashii Muqdisho oo ay lafahooda la baqeen, ciidammadoodiina waxay noqdeen waxa iyaga raacay oo la baxsaday iyo wax ku biiray xoogaggii Midowga Maxkamadaha… Xamar Culays baa ka kacay, ammaan bay heshay,….laakiin..
Beri la soco….
PUNTLAND POST