Madaxweynihii hore ee Dowlada Puntland ahna Murashaxa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Dowlada Puntland ee Garowe, kadib safar uu saaka kagasoo kicitimay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.
Faroole ayaa kahor intuusan soo gaarin magaalada Garowe waxaa deegaanka 22-aad kaga hortagay mas’uuliyiin uu kamidyahay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland madaxda Gobolka Nugal iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Murashax Faroole ayaa loo soo galbiyay gudaha magaalada Garowe iyadoo ay horkacayaan boqolaal gaadiidka shacabka ah, wuxuuna ku hakaday bartamaha caasumadda Garowe ee Barxadda, halkaas oo uu kula hadlay boqolaal kamid ah dadweynaha,wuxuuna marka hore uu mahadcelin usoo jeediyay shacabka Garowe iyo ciidamada ammaanka, wuxuuna u sheegay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada si loo adkeeyo nabad-galyada.
Madaxweynihii hore Puntland, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ka qayb qaadan doono xasaraha ka taagan gobolka Sool iyo kala aragti duwanaanta u dhaxaysa dowladda iyo siyaasiyiin isagoo xusay inuu lasoo hadlay waxgaradka gobolka Bari iyo Karkaar.
Faroole oo ah siyaasi khibrad badan iyo waayo aragnimo u leh Soomaaliya, ayaa la’aamin sanyahay hadii uu ku guulaysto Doorasha 2016 in uu Soomaaliya samata bixinkaro.












































PUNTLAND POST