Bosaaso-(Puntlandpost)-Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka bari waxaa lagu soo bandhigay Habeen nimadii xalay kooxo tahriibayaal ah oo ay soo qabteen ciidanka badda Puntland
Kooxahan tahriibka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay ayaa tiradoodu aheyd 40 qof iyadoo ciidanku ka soo qabteen iyagoo ku guda jira falalka tahriibka .
Wararku waxa ay intaas ku daryaan in dadkaasi isugu jiran Soomaali iyo ajaaniib kale islamarkaana ay u badan yihiin dhalinyaro kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada koonfurta dalka iyo Puntland
Sida ka dhexmuuqda sawirro ay wariye yaal tagay Dekedda xalay saqdhexe ka soo qaadeen dumar ayaa ku jira dhalinyarada la soo qabtay waxayna dumarkuu ahaayeen 4 qof.

Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe