Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Cambaareeyay Afgambigii Fashilmay Ee Ka Dhacay Turkiga

Muqdisho-(Puntlandpost) Madaxweynaha Dowlada Federaal Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareyay isku day afgambi oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii koox ka mid ah Ciidamada Milateriga ay isku dayeen inay car-qaladeeyaan xasiloonida iyo dimoqraadiyada Turkiga.

War saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan guuleysan isku daygaas afgambi, isla markaana laga adkaaday kooxdii sharwadayaasha ahaa ee ka dambeeyay, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

“Waa wax aan la aqbali karin in la bedelo jidka dimoqraadiyada dadka reer Turki, wa anasiib daro kooxo sharwadayaal ka mid ah Ciidamada inay isku dayaan inay Turkiga ay ku abuuraan rabshado iyo qalalaaso, waxaa ku faraxsanahay in kooxdaas laga adkaatay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan dowladda madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, isagoo ku booriyay in la ilaaliyo hey’adaha dastuuriga, isla markaana la ixtiraamo dimoqraadiyada, waxaana uu xusay in Turkiga uu ka mid yahay dalalka saameynta ku leh Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo xalay Taleefanka kula hadlayay Madax kala duwan ee Turkiga, waxaana uu ka mid ahaa Madaxda Caalamka ee sida aadka ah uga soo horjeeday isku dayga Afgambi ee dhacay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Turkiga iyo Madaxdooda inay xoojiyaan midnimadooda, xasiloonida, iyo kala dambeynta.

Dawlada Federaalka  Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa leh calaaqaad wanaagsan,Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay koonfurta Soomaaliya ka fuliyay mashaariic waawayn oo si dhab ah wax uga badashay nolosha dad badan.

Iyada  oo ay jiraan dad dhaliishan kaalmada Turkigu uu Dowlada Federaalka Soomaaliya siiyo iyaga oo su’aal galiyay sida kaalmadaasi aysan Muqdisho u dhaafsanayn.

 

War saxafadeed Villa Somaliya

Kayse Muse Ali

PUNTLAND POST

Garowe