Rasaas laga maqlayo Caasimada Turkiga ee Ankara

Wararka  naga soogaaraya caawa caasimadda Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in magaalada laga maqlayo rasaas xogan, diyaaradaha dagaalka ee helicopterka loo yaqaano ayaa jawi hoose ku dul marayaan magaalada.

Booliska ayaa la sheegay in ay xireen buundooyin ku yaalla magaalada Istabul.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Binali Yildirim ayaa intaa raaciyay in aanay jirin wax dhibaato u geysan kara dimuqraadiyada dalka Turkiga.

PUNTLAND POST