
SHariif Xasan SHiikh Aadan, marna kama hadlain qodobka lagu haystay ee ahaa in mooshinkii soo horeeyay maanta cod loo qaado kan kalana sida mooshinnadii kale ee ka horeeyay la yeelayba waqti loo siiyo xil-dhibaannada, wuxuu inta badan isku mashquulinayay in ra’iisal wazaarahaa oo ag fadhiyo kolba si hoose ula hadlo, ama kolba qof dhegta wax ugu sheegay isla taago, ama uu aad uga hadlo in nidaamka la ilaaliyo, in qayllada la joojiyo, laakiin isaga ama ha la aamuso ama ha labuuqo ama…ama, SHariifka, wuxuu isku dayi jiray inuu tiisa qasab ku mariyo barlamanka, waxayna u ekeyd sida uu u dhaqmayay inuu golaha u haystay sida xfiis uu isaga madax ka yahay oo wazaaradeed ama xafiis gaar ah oo isagu inuu wax kasta go’aamiyo xaq u leeyahay, wax badan bayna u suuro gashay intii la soo doortay maalintaas
mooyee!……
Wali iyadoo aan waxba laysku af garan muranka meel adag marayo ayaa Af-Hayeenku amray in la keeno sanduuqii lagu codeyn lahaa, isla markiina waxaa bilowday in xil-dhibaannadii xukuumadda ka midka ahaa ay sara kacaan oo ay joogsadaan, in badan oo iyaga ka mid ahna waxay ku soo xoomeen miiskii shirka laga gudoominayay ee uu Af-Hayeenku fadhiyay iyagoo ku celcelinaya “Guddoomiye sharci ha jabin…Gudoomiye adiga ha bilaabin in sharci lagu tunto.. Gudoomiye…” isagana dhinnaciisa ayuu ku cel-celinaya “Ha la fariisto, ha la is maqlo, Xil-DHibaannada fariista, ha la fariisto, aan is dhegeysano… waa la codeynayaa anigaa bilaabaya…” oo inta sare kacay oo warqadii lagu codeyniyay qaatay bilaabay inuu codeeyo, xog-hayntii la shaqaynaysayna waxay bilaabeen inaay yeeriyaan magacyada xil-dhibaannada si ay u codeeyaan…
Wax lala yaabo ayeey ahayd! SHariif Xasan warqaddi uu ku codeeyay ayuu iyadoo la buuqayo ku riday sanduuqii dhallada ahaa ee uu u soo diyariyay in lagu cadeeyo, laakiin isla markiiba xil-dhibaannadii caraysnaa ee tag-taagna ayaa sanduuqii lagu codeyn lahaa jabiyay, waxaana isla markii istaagay koox uu hor kacayay Muuse Suudi Yalaxow oo ku qaylinayay “Amxaarrada Dila! Ha la dilo Amxaadrrada…” waxayna markii hore u ekeyd in si gaar loo bar tilmaansaday Xil-DHibaan Max’ed MaXu’d Guuleed (Gacmo-DHeer) laakiin nin kursi qaata, nin ul qaata, iyo nin gacan qaadaba dagaalkii si dhib yar oo aad u sahlan buu ugu dhex baahay xil-dhibaannadii…..
Waxaa intaas oo dhan ka sii darnaa in markii uu dagaalka bilaabanayay uu Af-Hayeenka ku dhawaaqay in haddii sanduuqii la jebiyay Gacan Taag lagu codeynayo! Oo ayadoo la kala cararayo inta cod-baahiyihii qabsaday yiri ” Ninkii oggol in ciidamo la keeno gacanta taag….ninkii aan oggoleyn….” Oo xog-hayntii la shaqaynaysay ku yiri “Tiriya ,tiriya, dhaqsada tiriya…” wax yar ka dibna inta tiro sheegay yiri”….Sidaas daraadeed waa la diiday waxaana loo codeeyayay inaan ciidamo shisheeye aan la keeni karin, sidaasayna ansax ku tahay….” Waxaana lagu soo hooriyay sacab iyo qaylo iyo in la qaado heesta qaranka ee ay xil-dhibaannadu macna dileen ee Soomaaliyeey Toosoo!….heestaas, waxay noqotay qolof balo kasta innoogu soo dhuumatay, inoo soo huwatay, waxaa kaaga daran erggeda shisheeyaha baa marka ay arkaan heesta astaanta qaranka in la qaaday gacmaha xabadka saaranayay, xil-dhibaannadiina tii bay qaateen, laakiin ma arkaysid mid indhaha isku qabanaya marka uu qaadayo, waxaase igala quruxsanaa habkeenii digtoonowda ahaa….
Arrinta kale ee SHariif Xasan SHiikh uu lahaa oo gaarka u ah oo lagu xasuusan doono waxay tahay intii uu noqday Af-Hayeenka maalin keliya oo uu dowladda uu ka midka ahaa haba yaraatee wax ku raacay lama hayo wax ay ka soo dhacsato mooyee, arrinta ee lagu xasuusan doono waxay tahay in isagoo aan sanad dhamaysan barlamankii isaga soo doortay labo jeer ay is dagaaleen oo feer iyo haraanti laysu qaatay, labada goor sababihii laysku dagaalayna uu kaalin weyn ku lahaa, mar kastana uu isaga ka soo hor jeeday dowladda…..Waxaana xusid mudan in isla maalintaas ay SHariif Xasan ugu dambaysay in barlamankaas oo sidaas isugu duuban oo guddoomiyo ama uu shir u guddoonsho, waxaana wax lala yaaba ahaa inuusan marna ka xumaan intaas arrimood oo isaga u gaar ah isagana sabab u ahaa!
Dadaka xubnaha ka ahaa barlamanka ama xil-dhibaano badan baa marka wax laga weydiiyo hadba natiijooyinka ay ku soo dhammaadaan kulannada barlamanaka, waxay muujin jireen inay tuhunsanyihiin in wax khaldanyihiin, oo waxay tuhunsanaayeen in lacago la qaatay “Suuqa Baakaraha xil-dhibaannada laga xukumaa!” kuwo kale waxay muujinayeen inay cabsi jirto “Haddii aad diidid Xamar see ku aadee?!” tuhunka labadaas arrimood wuxuu ahaa mid inta badan rumaysnaayeen xil-dhibaannada, qaybta seddexaad waxay ahayd in dowlado shisheeye ay daaha gadaashiisa arrimaha ka maamulayaan, si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo dowladdaas ka halaabay bilowgii ilaa dhammaadkii waxaa lo soo maray xubnihii barlamanka.
Maalintaas waxay ku dhamaatay daqar, iyo dhaar, waxaana arrintaas ciidammada ammaanka Kenya ay u xireen Muuse Suudi Yalaxow, in kastoo uu damaanad ku soo baxay. Waxaa habeenimmadii xigtay gacan-qaadkii ka dhacay barlamankii Soomaaliyeed la hor geeyay shir IGAD uga socday magaallada Nairobi oo ay fadhiyeen waziirradii arrimaha dibadda Uganda, Kenya, iyo xog-hayihii guud ee ururkaas, waxaan laysku raacay in la cambaareeyo wixii barlamanka ka dhacay lagana shaqeeyo sidii loo hor joogsan inay mar kale dhacaan waxaas oo kale, iyo in ra’iisal wazaaraha Geeddi uu ka qayb galo kulanka guud ee Midowga Afrika oo uu weydiisto ciidamo hasa yeeshee uu ka ansixiyo barlamanka….. oo Sideena?
Beri la soco….
PUNTLAND POST