Marka-(Puntland Post) Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inay maleeshiyada Al-Shabaab ay goor dhow la wareegeen magaalada kadib markii ay ka baxeen ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya
Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyo aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabab ay gacanta ku hayaan haatan magaalada, mana jiraan wax iska hor imaada oo halkaas ka dhacay.
Ciidamada Dowlada Federaal Soomaaliya oo horey ugu sugnaa magaalada Marka ayaa halkaasi isaga baxay saacadihii lasoo dhaafay.
Dhan kale Ciidamada AMISOM oo saldhigyo ku lahaa duleedka magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in wali ay joogaan saldhigyadooda, waxaana jirta cabsi xoogan oo lasoo daristay shacabka magaalada Marka oo ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo.
Illaa iyo hadda lama ganarayo sababta ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya uga baxeen magaalada Marka, xalay ayay ahayd markii ururka Al-Shabaab ay xoog kula wareegeen Deegaanka Laanta Buuro Ee Gobolka /Sh/Hoose.
PUNTLAND POST