Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXV) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Qofka haddii uusan garan waxa jooga haddee waxa soo socda ma aha wax laga sugayo inuu ka hadla ama uu garto, SHariif Xasan SHiikh, siiyaabaha uu u dhaqmayay dad badan waxay sabab uga dhigayeen inay aqoon daro ugu wacantahay, kuwo kale waxay ku macneeyeen inuusan waayo aragnimo shaqo lahayn, labadaas arrimood kaalintooda ha lahaadaan waxaase ay runtu tahay in SHariif Xasan SHiikh sabab kastaba ha ha ugu wacnaatee uu si bareer ah fursad uu wax weyn dadka iyo dalka Soomaaliyeed wax ugu qaban kari lahaa u si ogaan ah u garab maray, waayo SHariif Xasan intaas dad baa la hadlayay, dad baa waxa jira khatarta u sheegayay… marka SHariif Xasan ma garan waayin Soomaaliya meesha ay taalay, ma garan waayin awoodda la siiyay macnaheeda, ma garan waayin nimanka uu la saftay dhibaatada ay dalka ku hayeen, ma garan waayin caasimadda colaadda iyo dhibaatada iyo hagardaamooyinka ay hebeen iyo maalin ula joogaan, ma garan waayin Soomaaliya heerka ay gaarsiiyeen, ma garan waayin in xudduudaha dalka cir, bad, iyo dhulba ay dalalka deriska ah iyo shisheeyihii kale soo buux dhaafsheen, ma garan waayin in dalkiiba uu gacanteenna ka sii baxayo…..

 

Muuse Suudi Yalaxow ayaa shir gaar ah u  qabtay qabqablayaashii Muqdisho, muddo gaaban ka dib Seminarkii AWEPA ay siisay xil-dhibaannada ka dib, waxaana ka soo qayb galay dhammaantood marka laga reebo dhowr nin oo dowladda siyaasad ahaan u dhowdhowaa. Kulankaas, in kastoo ay raggii meesha isugu yimid arrimo badan kaga  wada hadleen hadana wuxuu u ekaa hadal digniin ah oo loo diriyay madax-weynaha iyo ra’iisal-wazaaraha.  Muuse Suudi oo shirka furay ayaa si cad maalinkaas u sheegay inuusan wax hub ah oo uu leeyahay uusan ku wareejin doonin dowladda, sidaas oo kalana ugu baaqay inta kalana ay go’aankaas oo kale qaataan, waxaa in badan oo kamid ahaa raggii shirkaas ka hadlay ay muujiyeen cabsida y ka qabaan inay hubkooda dowladda ku wareejiyaan.

Grand

Waxyaabihii ay isku raaceenna waxaa ugu muhiimsanaa; in ciidmmadooda ay ka saaraan magaallada Muqdisho oo la dejiyo xerooyinkii ay horay u deggenaan jireen ciidammadii Soomaaliya, in waddooyinka laga qaado barah wax lagu baaro oo nin kasta uu tiisa qaado, in magaallada la nadiifiyo oo qashinka jidadka laga qaado, in socdaal nabadeed magaallada maalin lagu dhex maro……..in adduun weynaha loo sheego in Muqdisho ay tahay magaalo nabad ah oo aysan joogin argagixiso.

 

Waxaa xusid mudan in shirkaas markii uu dhammaaday xil-dhibaano war-xumo tashiil ah ay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf u sheegeen in shirkaas uu ka qayb qaatay Ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi oo runtii isagu ahaa ninka kleiya ee intii uu shirkaas socday ay qabqablayaasha eedayniyeen ama dhaliilaha u soo jeedinayeen…..waliba waa isla xil-dhibaannadii warkii hore ee beenta ahaa u geeyay…..madax-weynuhu wuxuu lahaa xil-dhibaano warka u geeya oo u shaqeeya sida basaasiintii,  Geeddi sidaasoo kale wuxuu lahaa xil-dhibaano gaar ah oo warka u geeya, SHariifka wuxuu ahaa ninka ugu badan ee ay xil-dhibaannadu warka u keenaan, Qab-qablayaasha sidaas si la mid ah…… DHammaan xubnaha wararka geeya ujeeddadooda waxay ahayd inay xil ku gaaraan, mana jirin dano guud oo ay ugu adeegayeen, taasina waxay keentay in xil-dhibaannada ay talada iyo ra’yiga wadaagi waayaan, in waxa ay rabaan inay gooni uga soo tashadaan ama ay isla  soo falanqeeyaan ka hor intaan fagaaraha laysugu imaan ay ka wada hadli waayaan, waxaan intaas u dheeraa inay qaar iyaga ka mid ah ay ahaayeen basaasiin ergooyinka shisheeyaha ah u warama……

 

 

 

Qabqablayaashii dagaalka mar dambe ayeey ku qanceen in erggeda shisheeyaha gaar ahaan IGAD iyo Midowga Afrika ay ka go’antahay inay ciidamo shisheeye dalka keenaan, waxayna arkeen in talooyin badan oo ay jeediyeen si ciidammadaas aan dalka loo keeninna aan laga yeelin, sidaas daraadeed waxay bilaabeen inay ku ololeeyeen hal-hays cusub oo ah Ciidammada Dalalka Deriska Ah Lama Keeni Karo!….waxaase xaqiiqdu ahayd inay ka hor tagaan in wax ciidan ah oo shisheeye ah dalka la keeno, laakiin sababta ay u diidayeen maxay ahayd?! Waa mid aynu wada garan karno laakiin aysan iyagu run ka sheegayn……waxaase iska cadayd inay sidoodaba ka cabsanayeen in dalku nidaam yeesho, waxaa kale oo ay ogaayeen in haddii ciidmao hubaysan ay dalka yimaadaan in awooddooda aysan jirayn…hal-hayskaas cusub wax weyn kama bedelin sidii markii hore look ala qaybsanaa oo ahayd xil-dhibaannadii xukuumadda ka midka noqdayna inay la safteen fikirka madaxda iyo dowladihii shirka waday oo ay ku taageereen in ciidamo la keeno iyagoon waxba kala soocayn in badan oo ah kuwii aan xukuumadda ka mid noqonna ay la safteen SHariif Xasan iyo Qabqablayaashii Muqdisho.

 

Madashii lagu ballamay ee loo qabtay mooshinkii ay xukuummadda doonaysay in cod loogu qaado qorshaha ay ku doonayso in ciidamo shisheeye dalka lgu keeno ayaa Af-Hayeenkii Barlamanka SHariif Xasan SHiikh ku dhawaaqay, waxayna ahayd March17, 2005. Waxay ahayd subax khamiisaad, waxaad moodaa in la ogaa arrimaha sida ay noqonayaan, ammaanka aad ayaa loo adkeeyay, qof kasta oo gelaya goobta kulanku ku qabsoomayo wuxuu marayay baaritaan adag,meeshu axay ahayd Grand Regency Hotel qolalkiisa lagu shiro mid ka mid ah agabkiisuna u dhanyahay…..markii aan galnay qolkii shirka ku qabsoomi lahaa waxaa markiiba ii muuqday kala soocnaan  iyo in look ala fariistay sida look ala ra’yi duwanyahay, waxaa kala oo muuqday in xil-dhibaannada tiro ahaan siday u dhanyihiin kacsanyihiin oo caadhifaddoodu ay banaanka taal, oo maxaa siyaada ah?!.. wax baa bedelanaa, oo maxay ah?!…

Beri la soco….

PUNTLAND POST