Wararka naga soo gaaraya saaka Deegaanka Laanta Buuro Ee Gobolka /Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday Deegaanka Laanta Buuro oo fariisin u ahayd Ciidan katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Weerarkaasi ayaa waxa uu ku biloowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay irida hore ee Xerada.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ahaa mid aad u culusaa islamarkaasina soconayay waqti aad u badan.
Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa sida waraku sheegayaan la wareegay xarunta Laanta Buuro oo Talis u ah Ciidamada Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Warar Madaxbanan oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale Al-Shabaab ay qaateen hub iyo gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Dowlada Fedraalka Soomaaliya.
ilaa iyo hadda ma cada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi hase ahaatee ilo wareedyo ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaare nafeed oo soo kala gaaray dhinacyadii Dagaalamay.
Dowlada iyo Al-shabaab ilaa iyo iminka kama hadlin Weerarkaasi ka dhacay Deegaanka Laanta Buuro oo Ah deegaan istiraatiiji ah oo ay maamulaan Ciidamada Dowlada Federaalka daganaayeen.
Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaadaan xerada Laanta Buuro, iyadoo bishii Maarso Al-Shabaab weerar ay gaadiid badan ku qabsadeen ku qaaday xeradaas.
SICIID XASAN
PUNTLAND POST
Muqdisho-So