Dagaal ayaa saaka dib uga bilowday maagaalada caasimada u ah dalka South Sudan ee Jub, rasaas xooggan ayaa laga maqalayay meel u dhow xarunta Qaramada Midoobay ee ku taala magaalada Juba.
Dagaalka dib uga biloowday South Sudan ayaa la sheegay in laga cabsi qaboin uu ku sii fido dalkaasi oo dib ugu laabto dagaalladii sokeeye ee uu kasoo baxay shan sano hor.
Maalmihii lasoo dhaafay dad ka badan 100 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen caasimadda Juba, ka dib mar iska hor imaadyo ku dhex mareen ciidammo kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar.
PUNTLAND POST