Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada

Kismaayo-(Puntland Post) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa tababar usoo xiray Ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Dowlad goboleedka  Jubbaland.

Ciidamadan oo qayb ka noqon doona ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa indhawaale tababar ku qaadanayay Magaalada Kismaayo ee xarun ku meelgaarka ah ee Jubbaland  iyagoo uu tababarka usoo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynahu ayaa la dardaarmay ciidamadani tababarka soo dhameystay una sheegay in ay waajibadka saarani si daacadnimo ah ay u gutaan.

“Waxaad ilaalindoontaan muraayadii Jubbaland iyo Madaxdii ugu saraysay ee Dowladda waxaa la idiinka baahan yahay dadaal iyo juhdi dheerad ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha  Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore tababaro kala duwan u soo xiray ciidamo ka tirsan jubbaland, iyada oo deegaano uu maamulkaasi ka taliyo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabbab.

jub9

juba2

juba3

juba4

juba5

juba6

juba7

juba8
PUNTLAND POST