
Soo noqoshadii SHariif Xasan, Af-hayeenka golaha shacabka uu Muqdisho ka soo laabtay waxa keliya uu ka keenay waxay ahayd wixii laga filayay oo ahaa inuu u ololeeyo sidii ay dowladda Muqdisho u degi lahayd, taasoo socdaalkii uu markii hore uu ku aadayba qorshuhu ahaa in dunida lagu tuso inay Muqdisho nabad tahay sidaas daraadeedna laga maarmi karo ama aan loo baahnaynba wax ciidan shisheeye ah in la geeyo. Wuxuuna markii uu Nairobi ku laabtay bilaabay sidii laga filayay oo ahayd in dadka Muqdishjo jooga ay bislaadeen, inay dowlad iyo nabad rabaan, inay tahay meel ay dowladdu degi karto oo ku shaqayn karayso ay Muqdisho noqotay oo ammaan ka jiro, wuxuuna keenay sawiro iyo aflaam muujinaya in isaga laf ahaantiisa lagu wareejiyay dhallin-yaradii hubaysnayd oo uu dejiyay meelo magaallada ka baxsan oo xeryo ah…..
SHariif Xasan SHiikh, waxyaabaha uu samayniyay waxay ahaayeen aad uga fog dan qaran iyo Soomaaliyeed, u fiirso , muxuu uga dan lahaa dadkii Muqdisho waa bislaadeen, nabaday rabaan, dowladda way ku shaqayn katrtaa Muqdisho?….mid waa xaqiiqo waligeed jirtay in dadka Muqdisho ku nool ee shacabka ah ay nabad gelyo iyo ammaan rabeen, dowlad kasta oo dhisantan cabsi colaadeed kama aysan qabin dadka shacabka ee Muqdisho dega ama ku nool….. waxaa Nairobi jooga nimankii shacabka Muqdisho u diida nabad-gelyada ee hubaysnaa, oo waliba iyagoo waziiro ah oo dowladda ka mid ah ku haya hubkayga ma dhiibayo, isagoo sidaas ogna taageersanaa iyaga, marka maxaa is bedelay?….muxuu rabay SHariif Xasan!… wax badan baa innaga qarsoonaa laakiin uu waqtiga inoo macneeyay…..sal-dhigyada ciidmmada iyo xarumaha sir-doonka ee laga furay dalka Djibouti, maqnaanshaha ay dowladda Maraykanka ka maqnayd shirkii Mbagathi, shirkii sirta ahaa ee ay safaaradda Marykanka la galeen SHariif Xasan, xubnihii qabqablayaashii Muqdisho ka socday iyo Sifir…..
Waziir ka mid ahaa waziirradii uu Geedii soo magacabay oo ka mid ahaa qabqablayaashii Muqdisho baan maalin anigoo la hadlaya iri “Waziir” isla markiiba wuxuu iga hor keenay “Hay hafrin, maxaan waziir ku ahayna? Waxaa lay yiri 3kun oo dollar aa mushaarkada noqonaa, ma saasaan waziir ku ahayna?” oo inta u yeeray nin dhallin yaro ah oo aan u malaniyo inuu ka mid ahaa raggii ilaalinayay ku yiri “Xayle, ilaahaan kugu dhaariyee ninkaan u sheeg halkii maalin oo keliya Xamar meeqaa naga soo gasha?” Xayle oo yaraha ka maagay inuu sheego ” Xaaji adiga waxaas hee laguma weydiinee maxaad ka sheegee…” waziirkii “Mayee, ninkaanaan rabaa inuu wax ogaado, ee u sheeg, ma 8kun oo dollar wax dhiman ay ahayd mise wax baa dheeraa?….marka, nin gabbal markuu dhaco maalin kasta intaas la hoyaadaaya 3kun oo dollar aan bishii ku siinaa hubkana soo wareejinee caqli miyaa?!..”…
Qabqable kale isagoo iska dhigaya inuu igu kaftamayo wuxuu igu yiri “Ninyahow anigu waxaan la yaabbanahay nimankaan dowladnimmadu ka carartay, anigu waxaan qabaa wali lama gaarin dowladnimo!!” maskaxahaas yaa aqrin kara?! Yaa fahmi kara?….marka horeba dadka miiska la wada fadhiisiyay, dadka la wada hadalsiinayay wax ay wada ogaayeen oo ay ku soo heshiiyeen inay ka wada hadlaan maba jirin, kuwa wada hadalsiinaya naftooda waxay ka raaceen magaca inay siyaasiyiin yihiin oo keliya….. kuwa wada hadalsiinayay waxay u qaateen in dowlad la riday oo waxa lagu dagaalayo ay tahay qofkii booskeeda buuxin lahaa. Waa dhab in awooodda dalka laysku hayay, laakiin waxyaabo kale oo badan baa jiray oo nimanka qabqalayaasha ah ay aaminsanaayeen, waxyaabo kale oo aan laga fekerin marar badanna shirarkii la qabanayay ama fashilayay ama caqabado ku noqday oo aan la ogaan baa jiray…..
Maalin kasta oo uu khilaafka la xiriira keenista ciidmmada shisheeyaha uu sii socdo waxaa sii kordhiyaya sii kala fogaanshaha labada dhan, madax-weynaha Cabdullaahi Yuusuf wuxuu waqti badan ku dhumiyay in af-hayeenka ay is fahmaan laakiin SHariifka sabab kasta ha ugu wacnaato waxaad moodaysay inuu madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha colaad aan la aqoon waxa sababay, colaad loo qaadan karay mid shakhsiyadeed….intii dowladdas ay dhisantay SHariif Xasan mar keliya ayuu ka gar lahaa madax-weynaha Cabdullaahi Yuusuf, markaasna waxay ahayd markii uu madax-weynaha u ololeeyay in SHar-Ma-Arke Max’ed Xaashi Gaani la geliyo booskii xil-dhibaanimmada uu ka geeriyooday aabihii Gen. Gaani, hasa ahaatee arrimaha kale oo dhan madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha labduba ulama uusan dhaqmayn sidii mas’uuliyiin ay talo wadaagaan, ama inay yihiin madaxdii dalka, waxaana sida muuqatay ay ku dadaaleen inaysan si cad uga hor imaan, haddii sida uu ula dhaqmayay ay ula dhaqmi lahaayeene way ka sii fool xummaan lahayd.
Qabqablayaashii dagaalka markii ay u cadaatay in arrinta ciidammada shisheeyaha ah ay dowladaha IGAD iyo Midowga Afrika ay taageersanyihiin oo ay xaqiiqsadeen inaysan ka laabanayn, ayeey marka soo jeediyeen codsi ah in dalalka safka hore ah laga reebo kuwaasoo la cadeeyay in loola jeeday Djibouti, Itoobiya, iyo Kenya, isla markiiba waxaa arrintaas qabqablayaashii Muqdisho ku taageeray safaaradda Marykanka taasoo aan intii uu shirka socday kaalin muuqata ka qaadan, waxayse taageerradaas u ekeyd mid daba socotay kulankkii ay safaaradda la yeelatay Af-hayeenka barlamanka iyo Qabqablayaashii Muqdisho….
Markii wax kasta lagu heshiin waayay xukuumaddii Geeddi waxay gudbisay mooshin ay xil-dhibaannada ku hor geynayso in loo codeeyo arrinta ciidammada, waxayna xukuumadda qaadday olole aad u sareeya oo ay dadaal ugu gashay sidii ay codkii taageerrada xil-dhibaannada u heli lahayd…Madashii iyo fadhigii xil-dhibaannada waxaa laga dhigay The Grand Regency Hotel……
Beri la soco….
PUNTLAND POST