Muqdisho-(Puntland Post) Xukumada Soomaaliya ayaa dib u dhigtay aaska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, Burci maxamed xamza oo ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Naasa-Hablood Hotel ee magaalda Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta xukumada soomaaliya maxamed cabdi xayir maareeye ayaa sheegay ilaa maalinta Talaadada in dib loo dhigay aas qaran oo loo sameyn lahaa Marxuum Burci.
Maxamed cabdi xayir maareeye ayaa Dib u dhigitaanka aaska Burci ku macneeye In lala sugayo Ehelada Wasiir burci oo dalka dibadiisa ku maqan si ay iyana uga qeeb qaataan aaska qaran ee loo sameynayo Burci maxamed xamza.
Sido kale warar ka madax banana dowlada soomaaliya ayaa sheegaya In Maxuum Burci lagu wado in lagu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo Ee Dagmada Baraawe Shabeellaha Hoose.
Burci maxamed xamza ayaa Noqonaya XIldhibaankii 3 aad ee bishaan gudaheeda ku dhinta Weraro Dagaalyahano Ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hotelo ku yaala muqdisho 1 bishaan ayee aheed markii Werar lagu qaaday Ambassador hotel ay ku dhinteen Xildhibaan Cabdullahi jaamac Kabaweyne iyo xildhiban maxamed maxamuud guure.
Saciid xasan
Warbaahinta puntland post
Muqdisho-so