Madaxweynaha dawladda Puntland oo soo gaarey Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga hoggaamiyayaasha qaran ayaa maanta 25-Jun-2016 kusoo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro Xildhibaano, saraakiil Ciidan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo Madaxweynuhu uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee saxaafadda isla markaana uga warbixiyey safarkiisii magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaranka kaas oo lagu dhammaystirayey hawlaha qaybyada ah ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirkaasi uu guul  kusoo dhammaaday isla markaana uu rajeynayo in waqtiga yare ee dhiman wax waliba sidii loogu talo galay ay kusoo dhammaadaan iyadoo la filayo  in ay dalka ay ka qabsoonto doorasho ka wanaagsan middii qabsoontay 2012-kii.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi shacabkii Soomaaliyeed ee galabta lagu gumaaday Hotel Naaso Hablood ee magaaalada Muqdisho waxaana uu falkaasi ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan kooxaha sharwadayaasha Alshabaab.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_7189 IMG_7194 IMG_7197 IMG_7198 IMG_7199 IMG_7203 IMG_7204 IMG_7205 IMG_7210 IMG_7214 IMG_7217 IMG_7228 IMG_7229 IMG_7234