
Maalin kasta waxaa muuqanaysay rajo fiican oo aad moodayso in horay wax u socdaan, waxaase dhab ahaan maqnaa hal qodob oo ah in wali aysan erggeda Soomaaliyeed ee shirka laysugu keenay aysan waxba ka dhexeyn, isla markaasn aysan heshiis ahayn, taas waxay lid ku ahayd macnaha iyo tayada ay yeelan karto dowlad kasta oo shirkaas lagu dhiso, waxaa kaloo ay cadayn u ahayd in run ahaantii aysan wax dowlad ah jirin mar haddii uusan jirin heshiis dhex maray dadkii wada dagaal ee shirka laysugu keenay.
Waxaa iyadana arrin wanaagsan ahayd in dowladaha Afrikaanka ah gaar ahaan IGAD waxay galeen dadaal adag oo ay ka go’nayd in shirkaas Mbagathi ay natiijo dowladeed oo Soomaaliyeed ka soo baxdo, laakiin midda aan marna meesha laga saari karin waxay ahayd in talada dowladaha qaarkood ay salka ku haysay Soomaaliya maanta ayeey inoo dagantahay, taasi ma aha ama ulama jeedno oo keliya dalalka deriska ah, laakiin waxaa kaloo jiray dowlado waaweyn oo iyaguna dhinacooda fikirkooda iyo saamayntooda shirka ku lahaa. Waxaana shaki ku jirin intii uu shirkaas socday inay garab soctay daraasaad ku salaysan sidii dowladda dhismaysay loogu dabaqi lahaa hab aysan u madax-bannaayn si buuxda oo ay u ahaan lahayd mid gacanta lagu hayo, waxaana la dhihi karaa waa sabab ka mid ah sababah aan loo heshiisiin kooxihii shirka wada fadhiyay labada sano iyo dheeraadka iyo mar kasta oo shir loo qabtayba.
Waxaa xusid mudan in isla maalintii la saxiixay heshiiskii Retreatka maalintii ku xigtay ay qaar ka mid ah kooxihii shirka fadhiyay ay yiraahdeen waana laynagu khayaannay heshiiskaas! Oo ay ka hor yimaadeen, laakin waxaa qaab aad farsammadiisu u sareeysa ula dhaqmay dowladihii IGAD ee shirka waday oo aan isku soo taagin, IGAD waxay horay u sii waday hawlihii shirka iyadoo dhinaca kalana la hadlaysay kooxahaas, ilaa markii dambe laga gudbay cabashadaas iyadoo aan wax dhibaato ah ka imaan, sidaasna ay ku dhammaatay.
Waxaa bishii May 2004tii bilowday qaybsiga xil-dhibaannada barlamanka, oo lagu saleeyay nidaam beeleed loo qaabeeyay 4 beelood iyo bar (0.5), oo aan xisaab iyo qiyaas midna aan run ahaantii lagu salayn, oo aan lagu salayn xeer Soomaalidu lahaan jirtay taas haddii ay jiri lahayd macquul ka dhigi lahayd dadkuna isku fahmi lahaa, oo aan lagu istaraatiijiyo ama dano siyaasadeed oo dalka Soomaaliya ka jira, oo aan lagu salayn nidaam laynooga horeeya oo xal siyaasadeed lagu gaaray, laakiin ay ka dambaysay fikrad ujeeddadeedu tahay inaysan dowlad taabba gal ah dhismin. Nidaam beeleedka 4.5 wuxuu ahaaa booraan hadimo oo loo qoday qarankii Soomaalieed…..Booraan Hadimo!
Markii u horeysay ee la yiri xubnaha baarlamaanka ha la qaybsado ayaa siigadu cirka isku shareertay, beel kasta dhexdeedii, yaa u gar qaadaya?! Nidaamka xummaantiisa markii u horeysayba beel kasta dhexdeedii baa is qabsatay ilaa qaarkood ay bakoorado isku garaaceen, waxayna ku soo dhamaatay in iyadoo buuqii sidii u taaganyahay oo wali erggadu qaar dacwo qabo, oo maalin kasta uu mudaaharaad dhacayo ayaa la soo xulay 275 xubnooda oo noqday xil-dhibaannadii, hasa ahaatee ilaa laga gaaray bishii August2004, oo ahayd markii la dhaariyay xubnaha xil-dhibaannada muranka iyo is-qab-qabsiga sidaas ayuu u taagnaa.
Waxaa arrin xiiso badan ahayd oo aan wali aad u xasuusnahay in shiikhii dhaarinayay xil-dhibaannadii la soo xulay August 29, 2004, oo lagu magacaabay SHiikh Khaliif uu markii la soo gaaray inuu dhaariyo xubnihii beeshiisa ka soo jeeday diiday inuu dhaariyo isagoo taas uga mudaaharaaday inuu isagu xaq u lahaa inuu ka mid noqdo xubnaha beeshiisa uga mid noqonay xil-dhibaannada, waan arrin xaqiiqa ah in beel kasta sidaas gudaheeda isaga haysato.
Waa suuro gal in erggeda soomaaliyeed ee shirka fadhisay oo iyagu ka soo daalay dagaalladii iyo colaadihii aafeeyay dalka aysan ka fekerin nidaam beeleedka 4.5 in wax loogu qaybiyo cirib xummada ka imaan karta oo ay is yiraahdeen haddii mar nabad lagu gaarayo bal maanta kaga gudbo dhibaatada. Waxaase hubaal ah dowladihii shirka maamulay ay u cadayd cawaaqib xummada ka dhalan karaysa nidaamkaas, isla markaasna ay si ula kac ah oo qorshe ka dambeeyo ugu qasbeen ama qanciyeen erggedii Soomaaliyeed ee shirka fadhisay oo la oran karo intooda badan ma aysan odorasi karayn natiijada dhabta iyo saamaynta ay yeelan karayso qaadashada nidaam beeleedka 4.5.
Ma ahayn wax lama filaan ah in marka hab noocaas oo kale ah wax loo qaybsado in la arko musuqmusaaq baaxad weyn iyo eed sheegasho la xiriirta in xubno la kala boobay, hasa yeeshee dowladaha IGAD siiba shir gudoonta wuxuu si aad ah ugu dadaalay in arrimaha la xiriira qaybsiga xubnaha xil-dhibaannada ay noqdaan kuwo markay muran galaan laga xaqiijiyo odayaasha dhaqanka, xil-dhibaannadii la dhaariyay iyadoo oday dhaqameeddada laga soo xaqiijiyay, hadana wali waxaa maalin kasta sii socday dacwooyin iyo muran la xiriira xulidda xil-dhibaannada.
Beri la soco….
PUNTLAND POST