Wasiiro ka tirsan Dowlada Somalia oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo cusub oo lagu bedelay

Muqdisho-(Puntland Post) Raiisul wasaaraha Dowlada Federalka Somaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid cali Sharmaarke ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii Waxbarashada iyo Caafimaadka  iyadoo uu  magacaabay wasiir cusub.

Labada wasiir ee xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub ee loo magacaabay xilalkaasi.

PUNTLAND POST