Taliyihii nabad sugida gobolka Sh. dhexe oo goor dhow la dilay

Jowhar-(Puntland Post) Waxaa caawa lagu Dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe Taliyihii Nabadsuga Gobolka Shabeelaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed, Qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah  ayey dhaawacyo kasoo gaareen Rasaasta lagu dilay Taliyaha.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu diley mid ka mid ah ciidamada nabadsugida iyadoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee loo diley taliyaha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dilka taliyaha wararkeena ugu horeeya ayaan idibkugu soo gudbi doonaa insha allaah

PUNTLAND POST