War-saxaafadeed:Madaxweynaha dawladda Puntland oo maanta furay kalfadhigii 37aad ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15-June-2016 furay kal-fadhigii 37aad ee golaha wakiilada dawladda Puntland, waxaana kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, xubnaha labada gole ee dawladda Puntland, xubno ka socda Baarlamaanka Jubbaland, xubnaha beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Kalfadhiga ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dawladda Puntland  ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, waxaana uu kal-fadhigani  noqonayaa kii 37aad ee muddadi ay Puntland jirtey sidoo kalena waa kal fadhigii 6aad ee baarlamaanka hadda jira.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey kalfadhiga 37aad ee golaha wakiillada ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray horumarrada ay dawladdu ku tallaabsatay intii u dhexaysey kalfadhigaan iyo kii ka horreeyey.

Madaxweynaha ayaa xusay in dawladdu ay horumarro la taaban karo ka gaadhey dhinacyada Ammaanka, siyaasadda, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri gelinta ganacsiga, dhowrista deegaanka badda iyo berriga, soo celinta hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland iyo kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hablayo u diray ciidamada difaaca Puntland waxaana uu ku ammaanay guulihii lama illaawaanka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha alshabaab ka tirsanaa ee duullaanka kusoo qaaday  Puntland.

“haddii gacanta cadowgu ku gaarto adigoo dalkaaga iyo dadkaaga u shaqaynaya waxaa tahay shahiid, haddii cadow kugu soo duuley aad iska difaacdana waxaa tahay Mujaahid” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali waxaa uu sheegay in dawladda Puntland ay dedaal dheeraad ah ku bixisay sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa wax ku qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana go’aan kama dambays ah oo dammaanad qaad leh laga gaarey in aan mar dambe dalka dib loogu celin hannaankaas oo hore u soo ragaadiyey dalka Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliyeed in ay waqtiga yar ee dhiman ay uga faa’iideyaan shacabka Soomaaliyeed ayna isla markaana ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September sidii lagu heshiiyey shirarkii Madasha watashiga qaran.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_0889 IMG_0893 IMG_0898 IMG_0902 IMG_0909 IMG_0913 IMG_0932 IMG_0937 IMG_0939 IMG_0944 IMG_0948 IMG_0951 IMG_0957 IMG_0958 IMG_0965 IMG_0966 IMG_0968 IMG_0970 IMG_0971 IMG_0974 IMG_0981 IMG_0984 IMG_0985 IMG_0987 IMG_0995 IMG_0997 IMG_0999 IMG_1006 IMG_1007 IMG_1012 IMG_1014 IMG_1028 IMG_1031 IMG_1033 IMG_1041 IMG_1074 IMG_1106 IMG_1112 IMG_1144 IMG_1159 IMG_1163 IMG_1169 IMG_1193 IMG_1222 IMG_1247