AMISOM ayaa qiratay in 5 askari oo askarteeda ka mid ah lagu xiray magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed AMISOM ay soo gaarsiisay Warbaahinta Puntland Post ayaa lagu shegay in 5-ta askari lagu soo qabtay howlgal ay ku midaysnaayeen AMISOM iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ciidamadan ayaa lasoo xiray ka dib markii ay si sharci daro ah u iibsadeen qalab ciidan, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in baaritaan lagu hayey in mudo ah askartan la xirxiray.
AMISOM waxay mudo hore heshay akhbaar sheegaysa in ciidamadeeda qayb yar oo ka mid ah ay ku guda jiraan in ay suuq madow ku iibsadaan qalabka ciidan iyo shidaal ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka .
22,000 oo ciidamo AMISOM ah ayaa ka howlgala koonfurta Soomaaliya sidii ay u sugi lahaayeen amniga Soomaaliya sidaas daraadeed ficilo xunxun oo ay sameeyaan shakhsiyaad tiro yar oo askarteeda ah ma saamayn doonto howlaha aan ka wadno.
PUNTLAND POST