Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Dhadhaab(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagey xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab oo ku taal Gobalka ay Soomaalidu degto ee Kenya.

Waftiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhaweeyey xeryaha Dhadhaab Wasiirka arimaha dibada Kenya Mawro Aamina Maxamed,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dalkaas iyo Dad weyne aad u tiro baadan oo kamida qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab.

Waxaa halkaas gaaray ka hor inta uusan Madaxweynuhu booqan Wafti hor u dhac u ahaa Booqashada Madaxweyne Xasaan Sheekh, isuguna jirey Wasiiro katirsan Dawladaha Soomaaliya iyo kenya.

Waa markii ugu horaysay oo uu Madaxweyne Soomaaliyeed booqdo xeryaha qaxootiga dhadhaab oo halkaa ku oolaa tan iyo Burburkii Dawladii dhexe 1991, waxayna Booqashada Xassan Sheekh kusoo aadaysa xili ay dhawaan Dawlada Kenya si rasmi ah u shaacisay inay ugu dambayn Bisha November ee sanadkan ay albaabada u laabi doonto xeryahaas sababo la xiriira dhibaato amaan oo ay Kenya ku hayaan.

dha 1

dha 2

dha 3

dha 4

 

Puntland Post