Wafdi Hor-dhac u ah Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Gaaray Xerada Qaxootiga ee dhadhaab

Cabdisalaan hadliye Wasiirka arimha dibada soomaaliya iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya  Danjire Jamaal  Xasan Iyo Masuliyiin kale ayaa gaaray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab si ay halkaa ugu soo Dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh oo Saacadaha soo socda la filayo in uu gaaro dhadhaab.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Noqonaya Madaxweynihii ugu Horeeye Ee Soomaaliyeed oo booqasho ku Tago Xeryaha qaxoootiga dhadhaab oo ay ku jiraan dad aad u farabadan oo soomaaliyeed.

Dowlada Kenya ayaa horay u Shaacisay in ay Dabayaaqada Sanadkaan  ay xireyso gabi ahaan xeryaha Qaxootiga ee Wadankeeda.

Ilaa hada lama oga waxa iska badali doono Go’aanka Kenya ka qaadatay Xeryaha Qaqootiga.

dh1

dh2

dh3

dh4

Saciid Xasan 

Puntland post

Muqdisho-Somaliya