Caruur dab ku qabsaday kaam barakayaal duleedka Garowe

2 caruur ah ayaa ku dhintay dab qabsaday Kaamka Ajuuraan
2 caruur ah ayaa ku dhintay dab qabsaday Kaamka Ajuuraan

2 caruur ah ayaa dhimasho ka soo gaartay dab ka dhacay Kaamka ku yaal bariga magaalada Garowe. Kaamkan oo ahaa buushash ayaa waxaa kaloo ku gurya beelay 18 qof waxaana dhaawac ka soo gaaray hal qof.

Gudoomiyaha Kaamka Ajuuraan Cali Nuur ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhacay kaamka, wuxuuna sheegay in markii salaada subax laga soo baxay uu dabku ka kacay Kaamka, oo laba carruura ku dhinteen, markaa ka dibna maamulka dowladda hoose, Isimada iyo shacabku usoo gurmadeen.

Cali Nuur ayaa fariin u diray dowladda oo ku aadan in dabkan in markasta ka kacaya kaamamka magaalada in xal loo helo, dadkana loo dhiso guryo ay kaga bad baadaan dabka.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa xusay in Carruurta dhintay ay yihiin wiilal jiray 13 iyo 14 sano jir.

Xasan Goodir ayaa sheegay in dowladda hoose wixii gacanteeda ah ay ka qaban doonto dabka ka kaca Kaamamka, islamrkaana hooyada iyo aabaha ay ka dhinteen carruurta la qaybsan doonaan murugada.

Carruurta dhintay ayaa ahaa labo wiil oo walaalo ah, kuwaas oo jiifay xilliga uu damku qabsaday gurigooda, waxaa laga dayrinayaa xaaladeeda caafimaad Haweenay uur leh oo ku dhaawacantay dabka.

Maamulka dowladda hoose ayaa galabta gaarsiiyey qoysiiskii ku guryo beelay dabka, raashin , xasiigado , teendhooyinka guryaha la saarsado iyo caagado saliida.

Dhowr jeer oo hore waxaa jiray kaamam ay ka kaceeb dab, kuwaas oo khasaare nafeed iyo maalba ay ka dhasheen, inta badan markay dabku qabsadaan kaamamku dadka ku nool waxaa soo gaarta khasaare weyn, waxayna marar badan ka cowdeen guryaha ay dagan yihiin oo ay sheegeen inay u nugul yihiin dabka.

PUNTLAND POST