Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ayaa Maanta Ka qeebgalay Shirka looga hadlayo Arrimaha Bini’aadannimada oo maanta ka furmay Magaalda Istanbul ee xarunta u ah wadanka Turkiga
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta uu ka soconayo shirka waxa uuna sheegay In dowlada uu madaxweynaha ka yahay ay Ka go’an tahay in ay ilaaliso Xaquuqul iinsaanka.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Xaalada Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Wadanka Kenya Iyo go’aankii ay Qaadatay Dowlada Kenya.
Shirkaan looga hadlayo Arrimaha Bini’aadannimada ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo Laba maalin ah.