Qodobbo Muhim ah oo kasoo baxay Shirkii Golaha xukuumadda Dawladda Puntland

Shirka gollaha xukuumada Dowladda puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha ku-xigeenka C/xakiim Xaaji cumar Camay ayaa maanta loogaa hadlay qodobo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka, Shirka kullanka dib u Habaynta iyo horumarinta soomaaliye ee SDRF ee Muqdisho, Ilaalinta heshiiskii Dastuurka, shirkii JPLG ee Kenya, La dagaalanka Qalooca Caqiiqdada Islaamka iyo xaaladda abaaraha Puntland.

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirka waxaa kaloo lagu caddeeyay  in dhammaan degmooyinka ku yaal xeebaha  laga hirgalin doono saldhigyo waaweyn oo ciidamadda badda puntland ay leeyihiin ,waxaana loogu baaqay dadweynaha reer puntland ay feejignaandaan oo ay u soo gudbiyaan ciidamada qaranka wixii ay arkaan.

Warmuritiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in  aan la aqbali Karin in dastuurka Dowladda federaalka loo sameeyo marmarsiyo oo la horgeeyo dad shacab ah iyada oo laga leeyahay Dan-gaar ah.

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedkii oo Dhamaystiran

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Madaxtooyada

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Madaxtooyadan1