Warbixin: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Warshadda Hubka ee Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa maanta 19-April-2016 waxa uu kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaadhida dagaalka iyo kuwa raaxada ee dalka Ethiopia ee lagu magcaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa marii uu soo gaadhey warshadda waxaa kusoo dhoweeyey  masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaan dhigga dalkaasi, waxaana uu kala hadlay Madaxweynuhu masuuliyiintaasi sidii Puntland ay uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid  ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana qado sharafta kadib ay wada qaateen kulan is xog-waraysi guud ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  waxa uu dedaal xoogle ugu jiraa sidii is bedel mug leh loogu samayn lahaa horumarinta siyaasadda dibad,  koboca dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ah halbowlaha dhaqaalaha ee Puntland iyo qaabkii ay Puntland xiriiro ganacsi ula yeelan lahayd waddamada caalamka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 
1cf0daeb-c1fe-4799-a411-37262251e85a 1f9a987d-121d-4a25-8f2d-0172fa890a37 7c3a5ac6-79b9-4835-a054-58be6daaf87b 8ea8daec-d79a-4414-8ffb-b36d03975aa1 19a2bc1c-a314-49a8-824a-7802768f3cc3 58b29864-15c0-470e-9da9-e495e39f92d8 66cbabdf-5e8e-433a-bf94-236c3e7d21cf 400e3372-400a-4c89-8a20-a1a8188ce085 9171c1a0-7604-45e0-a8bd-39f405b3228f 96055ee4-0ea7-4945-b77e-b9115c457632 53171242-03e5-4ebc-b402-159da1969552 74138567-53e9-470c-877d-c5dcc090c865 a6bef9d1-49b5-4a18-852f-39a8c9b3e764 a95fce6a-f748-4e8b-b091-768c8e5da9ed a0312200-4cce-4e80-bc02-52c54e1082d5 aaa553e8-dd1e-4a0b-818f-4483844c534a ab663744-b578-44da-9249-0aad29f1ba52 b66a88f6-f8e4-43f3-873b-eb2b7bc91870 bf1a40e1-3198-4725-8eb7-83f26fb2c3ff d0a851e2-da28-4227-bee5-90eed48c532d dfb6fea5-0872-4604-bc7a-43e0b41ad7fa