Cawaale Warsame: 5 Maalin Ayaan Dulsabeynaynay Anagoo 23 Qof ah Badda u Dhaxeysa Masar iyo Talyaniga

cawaale
Cawaale Warsame Sandhool oo ka mid ahaa dadkii shalay laga badbaadiyey doon ku qalibantay badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Masar ayaa sheegay muddo Shan cisho ah inay badda dusheeda dul sabeynayeen ayna saarnaayeen Alwaaxdii ka jajabtay doonidii qalibantay,

Cawaale Warsame Sandhool oo ah Wiilka badbaaday ayaa isaga oo hada ku sugan Jazeerad ku taal dalka Greece, wuxuu sheegay doonta inay ka soo raaceen Magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Markab laga leeyahay dalka Philippine, ayuu sheegay gurmad inay ka heleen oo lagu badbaadiyay.

“Waxaan kasoo baxnay 7-dii bishii Afaraad maalin khamiis ah dalka Masar gaar ahaan magaalada Alxandira, waxaan ahayn 500 qof , doontii ayaa nala qallibantay, waxaan kusoo badbaadnay kaliya 23 qof, waxay doonta nala qallibantay 12-kii bishan, waxaana 17-ka bisha nasoo badbaadiyey markab Philippine ah markii aan 5 maalin badda dulsabeynaynay, waxaan ku sugannahay Jasiirad ku taalla Gariiga” ayuu yiri Sandhool oo la hadlay Idaacada Goobjoog

Sidoo kale Cawaale Warsame ayaa sheegay in hadda dowladaha Gariiga iyo Talyaaniga ay isku haystaan cidda la wareegaysa dadkan oo dowlad walbo sheegayso in iyadu dadkani ay haynayso.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa lasoo sheegayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka tahriibay dalka Masar kuna sii jeeday Talyaaniga oo ay la qallibantay doonyihii ay saarnaayeen halkaasi oo khasaare dhimasho u badan uu ka dhashay.

 

PUNTLAND POST