Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigii uu hoggaaminayey oo Muqdisho gaarey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo maanta 9-April-2016-ka kasoo amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Waftiga Madaxweynaha oo ay kamid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta  kadib  waxaa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Soomaliya halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay ugana  warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey,  waxaana uu intaa sii raaciyey in ay halkaan u yimaadeen ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga qaran ee hoggaamiyayaasha National Leader Forum ee looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in ujeedka shirkaasi uu yahay sidii laysula meel dhigi lahaa  doorasho wanaagsan oo dalka u horseedda in ay ka curato dawladnimo soomaaliyeed  oo haysta kalsoonida shacabkeeda isla markaasina soo celinkarta amnigii iyo kala dambayntii dalka ka jiri jirtey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shirka berrito  ka furmi doona magaalada Muqdisho u rajeeyey in uu noqdo mid guul iyo horumar u horseeda ummadda soomaaliyeed ee ay daashadeen abaaraha iyo colaaduhu.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_5011 IMG_5026 IMG_5031 IMG_5032 IMG_5034 IMG_5038 IMG_5039 IMG_5040 IMG_5041 IMG_5046 IMG_5047 IMG_5049 IMG_5052 IMG_5053 IMG_5058 IMG_5064 IMG_5069 IMG_5071 IMG_5075 IMG_5082 IMG_5083 IMG_5085